Howlgal Lagu Dilay Ajaanib Ka tirsan Al-Shabaab Oo Ka Dhacay Sh/hoose

BAYDHABO-AYAAMAHA-Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab ayaa Gobolka Shabeellaha Hoose ka sameeyay howlgal kala duwan oo la sheegay in lagu dilay Saraakiil  & Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid  qorsheysan ayaa Ciidanka  Kumaandooska DANAB waxaa ay  kasameeyeen  Degmada Sablaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana saraakiisha ciidamada ay sheegeen inay dileen 17 Xubnood o isugu jiray Saraakiil Soomaali & Ajaanib ah, sidoo kale ay bur buriyeen saldhig ay ku sugnaayeen.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Danab oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in Saldhigaan ay Ciidanka Danab weerarka ku qaadeen uu ahaa Xarunta Guud oo Saldhig u ah Xubnaha weerarada fuliya ee Al-Shabaab ee loo yaqaano jabhadda.

Sidoo Kale Saraakiisha Danab ayaa sheegay in Dagaalka kooban ee ka dhacay gudaha Saldhiga lagu dilay Saaakiisha isugu jirtay Soomaali & Ajaanib, kuwaas oo Xarunta ku sugnaa.

Saraakiisha Danab ayaa soo bandhigay Magacyada Saraakiisha ay sheegeen in lagu dilay, kuwaas oo ay ku kala sheegeen, Suleymaan Abuu Maxfuud oo ahaa kuxigeenka Sarkaalka  Jabhadaha  Al-Shabaab una dhashay Dalka Tanzania, Abuu Yaasir Yaxiid oo heesta dhalashada Suuriya oo Al-Shabaab u Qaabilsanaa Amniga Xerada Jabhadaha Al-shabaab, iyo Xasan Maxmed Cismaan oo qaabilsan Howlgalinta  Jabhada Al-Shabaab.

Marka laga soot ago warkaan kasoo yeeray dowladda Soomaaliya ee ah in howlgal lagu dilay Saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab oo isugu jiray Soomaali & Ajaanib ayaan jirin war kasoo baxay Al-Shabaab oo ay ku beeniyeen ama ku qireen.