Howlgal lagu soo qabtay Koox Ciyaal Weero ah oo laga sameeyay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada ammaanka ee Booliska Soomaaliya ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Kaaraan, kaas oo ka dhan ahaan kooxaha ciyaal weerada ee kusii xoogeystay degmadaasi.

Howlgalka oo ay hoggaaminayeen guddoomiyaha Kaaraan iyo saldhigga Booliska degmadaas ayaa waxaa lagu soo qabtay koox ciyaal weero ah iyo hoggaamiyeyaashooda, kuwaas oo la dhigay xabsiga, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud ( Abshir Kaaraan) oo howlgalka faah faahinayay ayaa sheegay in  dhalinyaradaan ay soo qabteen ay dhowr jeer uga digeen dhibaatada isugu jira isticmaalka maandooriyaha & dilka dadka Shacabka balse ay ka dhega adeegeeyeen, hayeeshee ugu dambeyn qaar kamid ah ay gacanta ku dhigeen.

Wuxuu ugu baaqay Waalidiinta Dhalinyarada weli kamid ah Ciyaal weerada inay Carruurtooda ceshadaan hadii kale uu Maamulka degmada tallaabo ka qaadi doono, isaga oo markale u digay Dhalinyarada weli kasii mid ah Ciyaal weerada.

Bilihii la soo dhaafay ayaa dadka kunool qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa dhibaato ku haayay Ciyaal weerada, iyada oo laamaha Amniga Gobolka Banaadir ay sheegeen inay tallaabo ka qaadi doonaan.