Howlgal qorsheysan oo lagu burburiyay fariisimo ay Alshabaab ku lahaayeen Sh/Hoose.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka Kumaandooska Gorgor gaar ahaan ururka 7aad ee Guutada 18aad ayaa howgal qosheysan ku  burburiyay fariisimo  ay Alshabaab ku lahaayeen Tuulooyin hoostaga Gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka ayaa ah mid qorsheysan oo ay ciidamada ku bartilmaameedsanayeen fariisimo Al-Shabaab ay ku lahaayeen tuulooyinka Buulo Xaanshi, Ceelsaniini, iyo Buulo cadeey oo ka wada tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay ciidamada ku bur buriyeen fariimada, isla markaana ay ka sameeyeen howlgallo amni xaqiijin ah.

Dadka ku nool tuulooyinka ay ciidamada howlgallada ka sameeyeen ayaa si aad ah u soo dhaweeyay sida ay ciidamada xoogga uga dulqaadeen Alshabaab dhibaatada ku heysay.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay inb Dadka ku nool tuulooyinka ay ciidamada howlgallada ka sameeyeen ay si aad ah u soo dhaweeyeen sida ay ciidamada xoogga uga dulqaadeen Al-Shabaab.

Ciidanka Kumaandooska Gorgor ayaa dhowr jeer waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.