Howlgal Qorsheysan oo lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheeysan  ka sameeyay Tuulada Kili-Jiido oo hoostagta degaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in intii uu socday Ciidanka ay ku dileen ku dhawaad 10 Xubnood oo katirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ay  dhaawaceen 13 kale.

Ciidanka xoogga ayaa sidookale Gacanta ku soo dhigay Saanad Ciidan, iyaga oo burrburiyay dhamaanba goobihii ay ku dhibaateyn jireen Shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa xusay in guud ahaan dalka oo dhan uu ka socdo howlgalo lagula dagaalamayo maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab, Isla marlaana ay sii socon doonaan ilaa iyo inta laga saarayo meelaha ay kaga suganyahiin dalka.