Howlgal xalay laga sameeyay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xalay magaalada Muqdisho Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Wartanabadda ee Gobolkan Banaaadir.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in mararka qaar ay galayeen Guryaha si ay baaritaan ugu sameeyaan, halka ay baaritaan dheeri ah ku sameeynayeen dadka Shacabka ah ee wadooyinka maraya iyo kuwa ku sugan Goobaha Ganacsiga.

Weli wax faah faahin ah lagama helin ujeedka howlgalka ciidanka dowladda iyo waxyaabo lagu soo qabtay, hayeeshee dhowr jeer xaafado ka tirsan Muqdisho sidaan oo kale howlgallo looga fuliyay oo lagu soo qabqabtay kooxo dhibaato ka geysan jiray Magaalada.