Howlgalka ATMIS oo bandow kusoo rogaya Xerada Xalane ee Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Howgalka Ciidamada ATMIS ee loo aqoon jiray AMISOM ayaa shaaciyay in bandow lagu soo rogayo Guud ahaan xeradda Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay howlgalka ATMIS ayay ku sheegeen in la tashi ay la sameeyeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble kadib ay go’aankaan soo saareen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan sheegay in loo baahan yahay xaqiijin guud oo dhanka ammaanka ah in lagu sameeyo Xayndaabka Xalane.

Xarunta Xalane iyo guud ahaan garoonka diyaaradaha Aadan magaalada Muqdisho ayaa si toos ah loogu soo rogi doonaa bandowga, waxaana yaraan doona dhaq-dhaqaaqa guud ee Xarunta, sida lagu sheegay Qoraalka ATMIS.

Laga bilaabo 25 ilaa 28 bishan April  ayuu socon doonaa Bandowgu,w axaana Bandowgan uu saameyn doona dhammaan goobaha ay degan yihiin ATMIS, xarumaha UN-ka iyo dhammaan safaardaha degan gudaha garoonka dayuuradaha.