Howlgalka ATMIS oo markii ugu horreysay qirtay awooda ciidanka Soomaaliyeed

MUQDISHO-AYAAMAHA-Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, ATMIS, ayaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ku bogaadiyay guulaha ay kasoo hoyeen howlgallada amni ee Shabaab looga xoraynayo dalka.

Howlgalka ATMIS ayaa sheegay ciidamada Soomaaliya inay soo bandhigeen awoodooda weerar, taasoo u suuro galisay inay gacanta ku dhigaan deeganno ee in ka badan 10 sano gacanta ugu jiray kooxda Alshabaab.

ATMIS waxay sheegeen in howlgallada ciidan ee socda ay caddeyn u yihiin in ciidanka Soomaaliya ay awood u leeyihiin in ay horseed u noqdaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab ayna la wareegi karaan mas’uuliyadda amniga dalkooda.

“ATMIS waxay ku adkaysanaysaa in ciidan Soomaaliyeed oo si xirfadaysan u tababaran oo si wanaagsan u qalabaysan ay runtii yihiin kuwo wax ka bedela dagaalka ka dhanka ah argagixisada Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay ATMIS.

Dhammaadka 2024, ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay la wareegaan masuuliyadda amni ee dalka, iyadoo lasoo afjarayo howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan haysata ciidamo aad u tababaran oo la carbinayay shantii sano ee lasoo dhaafay, sidoo kale illaa shan kun iyo dheeraad askari ayaa haatan Eritrea lagu tababaray, kuwaas oo aan weli dalka lagusoo celin..