Howlgalka Midowga Africa Oo Qaadaya Tallaabo Jawaab U Ah Dadkii Rayidka Ahaa Ee Laga Xasuuqay Golweyn

howlgal lagu sugayo Amniga Caasimadda.
howlgal lagu sugayo Amniga Caasimadda.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee AMISOM ayaa sheegay inay billaabeen baaritaan ku saabsan dhacdadii lagu dilay todoba qof oo rayid ah, taas oo dhacday deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadka shacabka ah ee toogashadooda lagu eedeeyay AMISOM ayaa u badnaa beeraley, sida ay warbaahinta shegeen dad goobjoog u ahaa dhacdadan.

AMISOM ayaa sheegtay in deegaanka Golweyn ay dagaal kula galeen maleeshiyada Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday koloyo gaadiidkooda ah.

Natiijada ka soo baxda baaritaankan ayay AMISOM sheegtay inay u soo bandhig doonto.

Warka kasoo baxay Amisom ayaa imanaya ayada oo dad ehel la ah dadka la dilay ay shalay dibadbax ka hor-dhigeen isbitaalka Medina ee Muqdisho oo la keenay meydadka qaar.

Shacabkan oo aad u careysnaa ayaa sheegay inaan meydadka la aasi doono, illaa dadka la dilay ay cadaalad ka helaan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadal arrintan.