Howlgalka QM ee Soomaaliya oo muddo kordhin loo sameeyey

MUQDISHO-AYAAMAHA-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ay yeesheen waxaa ay u codeeyeen Muddo-kordhin loo sameeyey Hawlgalka QM ee Taageeradda Somalia.

15-ka Xubnood ee Golahaasi waxay isku raaceen in UNSOM muddo 9 bilood loogu kordhiyo xilli hawleedkooda oo ku ekaan lahaa Maanta oo ay Taariikhdu tahay 31-ka August ee sanadkan 2021-ka.

Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM oo ay u codeeyeen oo Tirsigiisu yahay 2592 waxaa xilli hawleedka cusub ee UNSOM ku ekaan doonaa bisha May 31-da ee sanadka soo socda ee 2022-ka.

Dhinaca kale, Qaraarka waxaa lagu xusay inuu Hawlgalka UNSOM sii wado xiriirinta dadaalada QM iyo inay Iskaashi Buuxda la yeeshaan Dowladda Federalka iyo Dowlad-gobaleedyada xubnaha ka ah iyo dhamaystirka Heshiiskii laga gaaray Nidaamka Doorashada ee Somalia.