Howlgalka qorsheysan oo laga fuliyey Galbeedka Kismaayo.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Howlgalka oo ahaa mid qorsheeysan ayaa waxaa  siwadajir u fuliyay Ururka 5Aad Guutada 16aad  ee Kumaandosta DANAB ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyees iyo kuwa Dowlad Gobaleedka Jubbaland ee Nabadsugida Iyo Daraawiishta.

Ciidamada ayaa waxaa ay sigaar ah howlgalka uga fuliyeen degaano dhaca Galbeedka Magaalada Kismaayo, kuwaas oo kala ah, labi-Kus, Qudus,  Yaaq-Dabeeyl, Dharkeeyn iyo degaano kale.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay inay burburiyeen Goobo ay Al-Shabaab lacago kaga qaadayeen Shacabka iyo goob ay ku taallay Maxkamadda Al-Shabaab, sidoo kalena howlgalka khasaaro ku gaarsiiyeen.

Sidoo kale Ciidamada ayaa intii ay howlgalka kujireen waxaa ay kaalmo kala duwan u sameeyeen Shacabka ka howlgalla degaannada kuyaal Galbeedka Magaalada Kismaago ee Hobolla Jubbada Hoose.

Ciidamada Kumaandooska DANAB iyo kuwa Jubbland ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay howlgallo kula duwan ka sameeyeen degaano katirsan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.