Howlgalo Ciidanka Booliska Xalay Ka Sameeyay Degmooyin Ka Tirsan G/Banaadir

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada Booliska ayaa howlgalada intooda badan ka sameeyay waddooyinka laamiga, iyagoona baaritaano kala duwan ku sameeynayey gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee istcmaalayay wadada, sidoo kalena su’aalo la xiriira amniga weydiinayey shacabka.

Howlgalada oo uu hoggaaminayey Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa waxaa ujeedkiisa lagu sheegay inuu ahaa mid lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga Muqdisho oo maalmahan u muuqda mid faraha kasii baxaya.

Saraakiisha Booliska ayaa intaas kusii daray in howlgalada lagu sugayo amniga Caasimadda ay sii socon doonaan, si looga hortego falalka amni darro ee isugu jira qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee xiliyada qaarkood ka dhaca Muqdisho.