” Hub ay laheyd dowladda ayey Al-Shabaab nagula dagaalameen”Axmed Madoobe

GAROWE-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in rasaas ay dowladda Soomaaliya la soo degtay ay heleen Al-Shabaab, isla markaana ay kusoo weerareen saldhiga Ciidamada Jubbaland ee degaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe oo hadal ka jeediyay Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Heritage ayaa sheegay in Al-Shabaab oo ay dagaal kula jireen ay rasaastii ka go’day, hayeeshee Maalin gudaheed ay ku heleen hal maalin rasaastii ay dowladdu lasoo dagtay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland aysan ka dhaxeyn wax wada-shaqeyn ah, isla markaana markii ay dhaawacmaan Ciidamada Jubbaland dhaawacooda la geeyo kismaayo kaliya AMISOM la faray inay qaadan Ciidamada dowladda taasina ay caqabad tahay.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam waxaa uu sheegay in iyada oo aan siyaasad laga heshiin aan laga wada Sahqyen Karin amniga dalka.