Hub halis ah oo Iiraan siisay Xuutiyiinta Yemen oo la soo geliyay Soomaaliya iyo cabsi jirta

Xuutiyiinta Yemen
Xuutiyiinta Yemen

MUQDISHO-AYAAMAHA-Cabsi xoogaan ayaa laga dareemayaa gudaha Soomaaliya kadib markii la sheegay in hub halis ah oo Iiraan siiyey Xuutiyiinta oo lagula dagaalami jiray Sacuudiga u dowlada Yamen loo soo gudbiyey Soomaaliya.

Hay’add Globa initiative oo fadhigoodi yahay magaalada Geneva ayaa shaaca ka qaaday in Hub ay Dowladda Iran siisay xulufadeeda Xuutiyiinta Yemen laga soo tahriibinayo gacanka cadan, kaa oo soo gaaray Soomaaliya gaar ahaan goobaha ay joogaan Al shabab oo ay hubkaasi xitaa kula dagaalamayso Dowladda Federaalka.

Hay’addan oo sameeysa daraasad ku saabsan meelaha dambiyada Caalamiga ah ay ka dhacaan ayaa warbixinteedi ku sheegtay in in kabadan 400 oo shixnado hub ah 8deedi bilood ee lasoo dhaafay la keenay Soomaaliya  sidoo kale waxaa jira ilaa 13 doomo oo hub lagu waday oo ay Maraakiibta shisheeye ee xeebaha Soomaaliya kusugn ay ka hortageen sida ay daabacday wakaalada wararka ee Reuters.

Waa daraasad tii ugu horeysay oo hub intaan la mid ah laga soo tahriibiyo Yemen ee la keenay Soomaaliya.

Iran ayaa dhoor jeer iska fogeeysay inay hub u tahriibisay kooxaha xuutiyiinta Yemen iyadoo ay jiraan cadeemo badan oo muujinaya in Iran si cad ay u taageerto Xuutiyiinta Yemen.