“i caawi Ma neefsan karo” Booliiska Mareykanka oo loo heysto inay neefta ku dhejiyeen nin kale.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Mid ka mid ah maxaabiista jeelasha Mareykanka ayaa geeriyooday kaddib markii ay neefta ku dhegtay, xilli ay booliisku wejiga dhulka ugu qabteen, mid ka mid ah saraakiishuna uu ku leeyahay: “Waa inaadan neefsan.”

Muuqaal cusub oo laga helay xabsi ku yaalla magaalada Tennessee ayaa muujinaya sida William Jennette, oo 48 jir ahaa, dhulka loo dhigay.

Dhacdadan oo sanad kahor ahayd ayaa waxaa la sheegay in ninkaasi uu mid ka mid ah shaqaalaha Xabsiga Marshall oo ku yaalla deegaanka Lewisburg uu ku lahaa

“i caawi, waxay doonayaan inay i dilaan.”

Waxaa sidoo kale jirtay in sanadkii la soo dhaafay sarkaal boolis ah lagu eedeeyay in George Floyd uu ku dilay Minneapolis, Minnesota, 19 maalmood kaddib dhimashadii Mr Jennette.