Idaacad baahisay Nashiiddo oo wajahaysa cunnaqabatayn

MUQDISHO-AYAAMAHA-Idaacad ay leeyihiin Muslimiinta Pakistan ee deggan magaalada Sheffield ee Britain ayaa wajahaysa tallaabooyin cunnaqabateyn ah ka dib markii uu baahiyay Nashiiddo ay ku jireen “Erayo ka hadlaya Jihaadka.”

Idaacaddaan oo fadhigeedu yahay magaalada Sheffield ee dalka UK ayaa la ogaaday in ay jabisay xeerka wax baahinta, iyadoo laba jeer baahisay Nashiido Islaami ah sanadkii 2020-kii.

Nashiidada la baahiyay ayaa la sheegay in ay ku jireen erayo kicin ah isla markaana dhiiro galinaya dambiyada waa sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dhanka isgaarsiinta ee dalka UK ee magacooda loo soo gaabiyo Ofcom kuwaas oo inta badan la socda dhaqdhaqaaqyada Idaacadaha iyo guudahaan warbaahinta.

Hay’adda Muslimiinta Pakistan ee shatiga siisay Idaacaddan ayaa raali galin ka bixisay baahinta Nashiidada, waxayna ku tilmaantay arrin qalad ah oo dhacday oo aan ula kac ama ku tala gal ahayn.

Warbixin Ofcom, ayaa lagu sheegay in Idaacadda baahisay Nashiiddo Erayada ku jiray ay ka mid ahaayen “Naxnu Junuudullaah” oo turjumaadeedu noqonayso waxaanu nahay “Askarta Allaah.”

Waan la yaabay

Xaruunta Muslimiinta Pakistan ayaa sheegtay in qofkii daadihiyaha ahaa Idaacadda ee xiligii la baahiyay Nashiidada aaney ku hadlin luuqadda Carabiga, balse wali lama hubin arrintaas.

Dhinacyada ka soo horjeeda baahinta Nashiidada ayaa sheegaya in Ereyada ku jira Nashiidadaas ay dhiiro galinayaan “argagixisada iyo dambiyada ay gaystaan.”

Gabadha Idaacadda xiriirinaysay ayaa warqad u dirtay Ofcom, oo ay raali gelin kaga bixisay dhacdadaas waxayna sheegtay inay dareentay in ay sameysay “wax aad looga xishoodo” oo aysanna “ku tala galin inay kiciso nacayb” waxayna meesha ka saartay inay ujeeddo ka lahayd arrintaas.