MUQDISHO-AYAAMAHA-Ilhan Cumar ayaa mar saddexaad loo doortay xildhibaan ka tirsan Congress-ka Maraykanka.Waxaa la tartamaysay Cicely Davis oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo u muuqda inuu hanan doono aqlabiyadda Golaha Wakiillada ee Maraykanka, iyadoo uu loolan xooggan ka taagan yahay helitaanka aqlabiyadda Golaha Senate-ka.
Waxay heshay 70% codadkii laga dhiibtay degmada ay ka tartameysay.
Doorashadan xilliga dhexe ee Maraykanka ayaa muhiim u ah siyaasadaha Aqalka Cad oo haddii xisbiga Dimuqraadiga uu lumiyo aqlabiyadda mid kamid ah golayaasha sharci dejinta, waxaa ku adkaan doona Madaxweyne Biden inuu gaaro go’aanno masiiri ah.
Maxay Ilhaan ka tiri guusheeda?
Ilhan Cumar ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay in mar saddexaad ay xilka ku guuleysato. “Aad iyo ayaan u faraxsanahay alxamdulilah waa guul kale oo ilaahey uu noo soo dhiciyay, waxaan rajeynayaa dadka kale ee walaalaheen ee tartamaya inay guuleystaan,” ayay tiri Ilhan.
Ilhaan ayaa dhanka kale rajo ka muujisay in xisbigeeda Dimuqraadiga uu ku soo bixi doono aqlabiyada labada aqal.
“Waxaan filanaynaa in labada aqal ee aqalka hose iyo aqalka sare gacanta dimuqraadiga ay ku jiraan inshAllaah waan arki doonaa saacadaha soo socda meesha ay ku dhammaan doonto,” ayay intaa ku dartay.
Ilhan Cumar ayaa farta ku fiiqday in haddii xisbigooda Dimuqraadiga uu ku guuleysto aqalbiyada labada aqal ay waxyaabo badan ka qaban doonaan arrimaha socdaalka iyo guriyaha.
“Waxyaabo badan ayaan (qaban doonaa) sida socdaalka ayaan rabnaa inaan isbadal ku sameyno, dadka sida ay ogyihiin 4 sano ee uu Trump joogay dhanka socdaalka dhaawac wayn ayuu gaarsiiyay dadkii rabay inay dad keensadaan, dadkii rabay in ay muwaadiniin noqdaan,” ayay tiri xildhibaan Ilhaan Cumar. Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa xustay in labadii sano ee la soo dhaafay ay xisbiga Dimuqraadiga ku adkeyd in ay meel mariyaan isbadaladii loo baahnaa. “Labadii sano ee la soo dhaafay waxaan ka shaqeynaynay inaan isbaddel ku sameyno laakiin waxyaabo badan aya nagu adkaa sababtoo ah aqalka hoose 3 qof ayaan ku sareynay aqalka sarana aqlabiyad fiican ma aanan haysan marka insha allah haddii lambarada sida aan rabno ay noqdaan waxyaabo badan ayaan u soo dhicin karna dadka aan matalno,” ayay tiri Ilhaan Cumar.
Ihaan ayaa dhanka kale bogaadisay Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota iyo sida ay u garab istaageen xisbiga Dimuqraadiga.
“waxaan rabaa maanta Minnesota doorashada ka dhacday in tusaale ay u noqto walaalaheen Soomaalida qaarkood oo mar ka hadlayay in Jamhuuriga loo codeeyo, dadkaan ma aha dad anaga wax noo tari karo ama aan ku tashan karno aad ayaan ugu mahadcelinayaa Soomaalida aqliga laheyd oo si geesinnimo leh u aamintay inaan nahay dad la garab istaagi karo anagana na garab istaagay,” ayay tiri xildhiaban Ilhaan.