Ilhaan Cumar oo ku baaqday in Farmaajo uu Xafiiska isaga tago.

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka ee dalka Maraykanka
Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka ee dalka Maraykanka

MUQDISHO-AYAAMAHA-lhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka ee dalka Maraykanka ayaa war kasoo saartay khilaafka kasoo dhex cusbnoonaaday Madaxeynaha Mudda xileedkiisu dhammaaday maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ilhaan Cumar ayaa farmaajo ugu baaqday  inuu iscasilo, kadib Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitterka.

“Farmaajo hal sano ayaa hadda laga joogaa markii uu mudo-xileedkiisa dhamaaday, waa inuu iscasilaa. Doorashada waqtigeedu uu daahayna waa in si dhaqso ah loo wadaa” ayay tiri Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka ee dalka Maraykanka.

“Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Africa ee wasaaradda arrimaha dibeddda.

“Isku dayga shaq ka-joojin ee ra’iisul wasaare Rooble waa arrin welwel leh, waxaan taageersannahay dadaalladiisa ku aadan doorasho deg deg oo la isku haleyn karo. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan ficillada iyo qoraallada kasii daraya xaaladda,”

Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa ah mid cakiran, iyadoo horay beesha caalamaka iyo Dalalka Ingiriiska iyo Mareykanku ay walaac ka muujiyeen, khilaafka iyo qab qabsiga kasoo dhex Cusboonaaday Farmaajo iyo Rooble.