Imaam Masaajid oo caanka ahaa gudaha Muqdisho oo Xalay la dilay

Askari lagu dilay Muqdisho
Askari lagu dilay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay siyaabooyin kala duwan dilal uga geysteen degmooyin kamid ah caasimadda, iyadoo dambiilayaasha ay ka baxsadeen gacanta laamaha amaanka dowladda.

Dilkan qorsheysan ee xalay ka dhacay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho loo geystay Imaam Masaajid oo caanka ahaa gudaha Muqdisho.

Dilka ayaa ka dhacay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, waxaana loo geystay Sheekh Cabdicasiis Axmed Xirsi oo ahaa Imaamka Masaajidka dabaqeynka oo ku yaalla degmadaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen marxuumka, kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey Dharkenley, balse ma jiro wax war ah oo ay kasoo saareen dilka iyo howlgallada xigay.

AUN Imaamka ayaa inta aan la dilin kahor khudbaddii Jimcaha ee uu shalay ka jeediyay masajidka Dabaqeynka wuxuu uga hadlay arrimo ah xasaasi ah, isaga oo ku dheeraaday ka hadalka amni darrada Muqdisho iyo carada Alle ee ka dhalaneysa baneysiga dhiigga qofka muslimka ah.