Imaam Masjid & Nabadoon caan ah oo lagu dilay Afgooye

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ayaa gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa au ku dileen laba kamid ah Nabaddoonada ugu Caansan degmadaas, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Nabadoon Cusmaan Cabdi Saalax oo ka tirsanaa Waxgaradka beelaha degaanka ayaa lagu dilay hoygiisa oo ku yaalla degmada Afgooye sida dad goob joogayaal ah ay sheegeen.

Sidoo kale waxaa isla xalay lagu dilay degmada Afgooye Imaamka masjidka xaafada Raqeyle C/llaahi Axmed Caliyow ka dib markii ay rasaas ku fureen rag hubeysan oo baxsaday.

Weli macadda sababta ka dambeeysa dilalka loo geystay labada Nabaddoon, waxaana horay degmadaasi Afgooye loogu dilay Nabaddoono kamid ahaa qaarkood kuwo soo xulay Ergadii dooratay Baarlamaankii 10aad ee waqtigooda dhamaaday, kuwaas oo dilalkooda ay sheegteen Ururka Al-Shabaab..

Ciidamo ka tirsan laamaha Amniga Afgooye ayaa howlgallo ka fuliyay Xaafadaha Baalguray iyo Raqayle ee dilalka ay ka dhaceen, balse aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay labadaasi Nabaddoon.