Imaam Masjid oo goordhow lagu dilay Muqdisho.

Askari lagu dilay Muqdisho
Askari lagu dilay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo saaka koox hubeysan ay ka fulisay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka geystay ay ku hubeysnaayeen Bistoolado, isla-markaana ay si deg-deg ah goobta uga baxsadeen, kadib toogashada.

Marxuumka ayaa xilliga la dilayay kasoo baxay Masjidka Maqaamul Ibraahim ee ku yaalla agagaarka Jaayga degmada Wadajir oo uu Imaam ka ahaa.

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa goobta gaaray, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi, balse ma jirto cid ay u soo qabteen toogashada loo geystay Imaamnka oo caan ka ahaan degmada Wadajir.

Ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi iyo howlgallada xigay.