Imaam Maxamed Xassan oo la aasay & banaanbax cadaalad loogu raadinayo oo dhacaya

COLUMBUS OHIO-AYAAMAHA-Waxaa Magaaladda Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka lagu aasay Allaha u naxariistee ee Imaam, Sheekh Dr. Maxamed Xassan oo la dilay, meydkiisana la helay todobaadkii hore.

Boqolaal qof oo goboladda kala duwan ee dalka Mareykanka iyo dalal kale ka yimid ayaa salaadii Janaasadda ku tukaday Marxuum Imaam Dr. Maxamed Xassan masaajidka iyo Xarunta Islaamka ee Ibnu Taymiyah. Sheekh Maxamed ayaa kaddib lagu aasay Qabuuraha Islaamka magaaladda Columbus ee ku yaala Wadada Sunbury.

Imam Sheekh Maxamed Xassan oo la waayey habeenkii bisha December 23, 2021 markii uu todobadii habeenimo uu ka tagay masaajidka uu Imaamka iyo Sheekha ka ahaa ayaa maydkiisa oo baabuur ku jira ay heleen dad Soomali ah oo kamid ah dadkii ka qayb qaatay gurmadka baadi goobka Sheekha lagu raadinayey maalintii December 24, 2021.

Ilaa iyo hadda lama oga cida ka dambeysay dilka Imaam Dr. Maxamed Xassan, waxaana Maanta oo jimco ah taariikhduna ay tahay December 31, 2021 salaada jimcaha kaddib magaaladda Columbus ee gobolka Ohio lagu qaban doonaa banaanbax cadaalad loogu raadinayo Allaha u naxariisto ee Imaam Dr. Maxamed Xassan.

Banaanbaxa ayaa bilaabanaya 2:00 duhurnimo, wuxuuna socodka banaan baxu ka bilaabanayaa kaniisadda First Congressional Church, iyada oo socodku ku dhamaanayo Aqalka looga arrimiyo magaaladda Columbus ee City Hall-ka.