Imaaraadka Carabta oo lagu wareejiyey dekeddii seddexaad ee Soomaali leedahay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wargeyska Africa Intelligence ayaa qoray in Dowladda Imaaraadka Carabta dib u dhis iyo casriyeyn ku sameyneysa dekedda magaalada Kismaayo, taasi oo qeyb ka ah isku day lagu horumarinayo xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Abu Dhabi kula kulmay dhiggiisa dalkaas Sheikh Mohammed bin Zayed Al-Nahyan ayaa ka wadahadlay arrintaan intii lagu guda jiray booqasho dhowr maalmood qaadatay oo Xasan Sheekh halkaas ku tegay.

Sida uu Wargeyska shaaciyey labada madaxweyne ayaa isla meel dhigay mashruuc lagu casriyeynayo laguna ballaarinayo dekedda Kismaayo oo ku taalla gobolka Jubbada Hoose ee xuduudda la leh Kenya.

Haddii Imaaraadka Carabta ay soo cago dhigtaan Kismaayo, waxay noqon doontaa dekeddii saddexaad ee ku taalla Soomaaliya oo ay saameyn ku yeeshaan. 

Jubaland ayaa waxaa maamula Axmed Madoobe oo xulufo la ah madaxweyne Xasan Sheekh islamarkaana si xooggan u taageeray doorashadii dhacday 15-kii May ee dib loogu doortay madaxweynaha. Axmed Madoobe waxay sidoo kale xulufo iyo isku beel yihiin ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Tan iyo 2016-kii, shirkadda Dubai ka dhisan ee DP World ayaa ka howlgaleysay dekedda Berbera ee ku taalla gobolka gooni u goosadka ah ee Somaliland.

DP World ayaa sidoo kale ka howlgasha dekedda Boosaaso oo ay maamusho shirkad British ah oo hoos tagta oo lagu magacaabo P&O, inkasta oo aysan weli ka qaban wax shaqo ah oo lagu horumarinayo si la mid ah dekedda Berbera. 

Dekedda Muqdisho oo ah tan ugu weyn ee Soomaaliya hadda ka shaqeysa ayaa waxaa iyana maamula shirkad Turkish ah oo lagu magacaabo Al-Bayrak, balse wax horumarin ah kuma sameyn muddadii ay gacanta ku haysay, taasi oo ka duwan sida caalamiga ah ee DP World ay u casriyeysay dekedda Berbera.

Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale safarkii madaxweyne Xasan Sheekh kusoo ballan-qaaday in Soomaalida loo fududeeyo inay helaan dal-ku-galka Imaaraadka Carabta, dib loo furao isbitaalka Sheikh Zayed ee Muqdisho oo uu xiray Farmaajo 2018-kii