Imaaradka Carabta oo Dekadda Muqdisho kasoo dejiyay markab shixnad sida

MUQDISHO-AYAAMAHA-Markab laga leeyahay dalka Imaaraatka oo sida in ka badan 1,000 tan oo raashin iyo gargaar ah ayaa Soomaaliya soo gaaray si uu u taageero malaayiin qof oo ay saameeyeen abaarihii ugu xumaa ee dalka ka dhacay dhowr iyo toban sano.

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al-Nahyan ayaa horay u amray bixinta 35 milyan oo dirham oo gargaar bini’aadanimo oo degdeg ah in loo diro qoysaska ku barakacay abaaraha ka jira Soomaaliya.

Imaaraatka ayaa sheegay inay ka go’an tahay in ay caawiyaan dalalka saaxiibka ah iyo dadaallada ay ku horumarinayaan xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, sida ay horay u sheegtay wakaaladda wararka ee dalkaas.

Soomaaliya waxaa ka jirta abaar laba sano jirsatay oo aan horey loo arag in ka badan 40 sano. Dad gaaraya hal milyan oo qof ayaa ku barakacay, iyadoo abaaruhu ay halakeeyeen dalagyadii iyo xoolihii ay ku tiirsanaayeen xoola dhaqatada iyo beeralayda.