Imran Khan oo guul lama filaan ah ka gaaray siyaasadda Pakistan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Raysul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa dib u soo cusbooneysiiyey baaqiisii ahaa in doorashada wakhtigeeda laga soo hormariyo kaddib marki uu xisbigiisa guul lama filaan ah uu ka helay golaha gobol loollanka siyaasadeed ee Pakistan muhiim u ah.

Xisbigiisa PTI ayaa ku guuleystay 15 ka mid ah 20-ka kursi ee golaha gobolka Punjab oo uu ku xoogganaa xisbiga xifaaltanka uu kala dhaxeeya ee PML-N.

Natiijada doorashada ku celiska ee ka dhacday gobolkaasi waxay saadaal u tahay waxa dhici kara doorashada guud ee bisha October 2023-ka dalkaasi ka dhaceyso oo loo badinayo in wakhtigeeda laga soo hormariyo.

Raysul wasaarahii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa bishii April xilka laga qaaday kaddib marki uu lulimyey kalsoonida baarlamaanka waddankiisa.

Dhanka kale, natiijada ka soo baxday Punjab ayaa jab weyn ku ah Raysul wasaaraha xilka sii haya Shehbaz Shariif oo hoggaaminaya xisbiga PML-N.

Dowladdiisa oo marki horaba isbahaysiga ku dhisneyd oo aan lugaha badan ku taagneen waxaa u bilalabatay guul darro siyaasadeed.

Dadka siyaasadda dalkaasi u dhuun daloola waxay sheegayaan, Pakistaan oo la daalaa dhaceyso sicir barar aan horay loo arag iyo baahi dhinaca tamarta ah, haddii ay xasilooni darro siyaasadeed ugu darsanto waxaa dhici karta xaaladda dalkaasi iney faraha ka baxdo.

Gobolka Punjab oo ka mid ah gobollada ugu dadka badan Pakistan muddo dheer waxaa si weyn looga taageerayey xisbiga PML-N ee Raysul wasaare Shariif iyo walaalkii ka weyn oo seddex jeer dalkaasi Raysul wasaare ka soo noqday ee Nawaaz Shariif.

Hase yeeshee doorashada Axaddii gobolkaasi ka dhacday xisbigaasi wuxuu ka helay oo keli ah 4 kursi halka 1 kursina uu helay musharrax madax bannaan.