Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare ee dalka oo maanta billaabanaya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka bilaabanaya Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare oo ay qaadeyso dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu waddaa inay maanta dalka ka dhacdo.

Qeybo ka mid ah Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana lagu waddaa in maanta ardayda dugsiyadda Sare ay u fadhiistaan Imtixaanka dowladda ee shahaadiga ah.

Xarumaha  Imtixaanka lagu galaayo ayaa  waxaa la geeyay Ciidamo loogu tala galay in ay suggaan Ammaanka xarumahaasi iyo kormeerayaal loogu talo galay inay ilaaliyaan Imtixaanka,kuwaas oo qaarkood ka socda Wasaaradda Waxbarashada.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa lagu waddaa in ay kormeeraan Goobaha ay lagu qaadaayo Imtixaanka.

Goobaha ay dowladda imtixaanka ka qaadeyso ayaa waxaa ku jirrin Maamulada Somaliland iyo Puntland, maadaamaa labadaas maamul ay gacanta ku haynin dowladda.