Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare oo Maanta ka bilaabatay guud ahaan dalka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare ayaa maanta dalka ka billaawday Muqdisho iyo Gobolada dalka marka laga reebo Somaliland iyo Puntland.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn loo adkeeyay gaar ahaan goobaha uu ka socdo imtixaanka, ardayda dugsiyadda Sare ay u fadhiisteen Imtixaanka dowladda ee shahaadiga ah ayaa gaaraya 34,000 oo Arday.

Xarumaha  Imtixaanka lagu galaayo ayaa  waxaa la geeyay Ciidamo loogu tala galay in ay suggaan Ammaanka xarumahaasi iyo kormeerayaal loogu talo galay inay ilaaliyaan Imtixaanka,kuwaas oo qaarkood ka socda Wasaaradda Waxbarashada.

Sidookale Gobolada Galmudug, Hirshabeelle , Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa si rasmi ah ugu bilaabatay Imtixaanka.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa lagu waddaa in ay kormeeraan Goobaha ay lagu qaadaayo Imtixaanka.

Ardayda Maamulada Soomaaliland iyo Puntland ayaa ka maqan imtixaanka, waxaana khilaaf ka dhaxeeyaa Wasaarada Waxbarashada Federaalka iyo Maamulka Puntland, mana ahan markii ugu horreysay ee maamulka Puntland oo diido imtixaanka dowlada.