In ka badan 200 Carruur ah oo nafaqa darro ugu geeriyootay Soomaaliya.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (UNOCHA) ayaa sheegay in ugu yaraan 200 oo carruur ah ay Soomaaliya ugu dhinteen nafaqo darro tan iyo bishii Janaayo, iyadoo dalka ay ka dhacday “cuno yari musiibo ah” markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2017-kii.

Xaalada abaarta ayaa sii xumaatay ka dib markii afartii sano ee isku xigta ay roobabkii ka di’i waayeen sideed gobol oo dalka ka mid ah, halka lix gobol ay ka da’een bishii May ee sanadkan, taasoo keentay in qoysaskii ay dhibaatadu soo gaartay ay qarka u saaran yihiin macaluul, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

“In ka badan 7 milyan oo qof ayaa ay dhibaatadu saameysey, marka loo eego 6.1 milyan bishii May, in ka badan 805,000  waa ay barokaceen,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada.

Iyadoo laga jawaabayo abaarta, Qaramada Midoobay waxay sheegtay in la-hawlgalayaasheeda bini’aadantinimo ay bilaabeen Qorshaha Ka-hortagga Abaaraha iyo Ka-hortagga Macaluusha ee dhacaya bisha May illaa Diseembar 2022 si loo fududeeyo kor u qaadista gargaarka naf-badbaadinta, si looga hortago macluusha dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa ay kamid tahay dalalka sida weyn ay u saameysay abaarta, waxaana xaaladda sii xumeeysay kadib markii dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya laga waayay lacagihii ay ku taageeri jireen abaaraha kajira Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.