Indhacade oo ka hadlay arrin ka caawisay inuu ka badbaado “shiish lagu toogan rabay”.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warqad Ganeral Yusuf Siyaad (Indhacade) uu u diray Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble iyo dhammaan taliyaasha nabadsugida iyo booliska ayuu kaga codsaday in la baaro iskudaygii dilka ahaa lagu qaarijin rabay 21kii bisha, xili uu ku sugnaa gudaga garoonka Aadan Cadde.

“Aniga o ah Gen,Sheikh Yusuf Mohamed Siyaad (Indhacade) Shalay o ay Tariikhdu aheyd 21.12.2021 saacaduna ay aheyd 5:20 Galabnimo anagoo dhex lugeyneyna Airportka Aden Adde Airport Aniga iyo Mohamed Ali Sheikh Ayaa waxa nalaga so toogtay meel Fog o ku adaneyd Deeganka Alpha Group e ay Ka dagan yihin Airportka” ayuu yiri General Indhacade.

Generaal Yuusuf ayaa tilmaamay in qoriga lagu toogtay oo ahaa qoryaha meelaha fog wax ka dila, wuxuu farta ku fiiqay goob ay ku sugan yihiin ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Alpha Group oo Maraykaku tababaro.

“Waxaa nalagu so toogtay qoryaha meesha Fog wax looga toogto ayada oo la igu talagalay in la igu qaarajiyo balse ilaahey iga badbaadshay madaama aan u socday si xoog ah ayadoo sababtay in u sugnaan waayo shishkii qofkii I toogan rabay sida awgeed waxan ka codsanayaa Hey’adaha sida tooska ah ay ugu socoto warqadaan iyo kuwa kuleh ogeysiinta in la baaro kiiskaan ahaay qaarijinta loogu talagalay nafteyda in la igu qaarajiyo”

Ugu dambey Generaalka ayaa Hay’adda dowladda ka codsaday in la baaro sababta ka dambeysay isku dayga dilka ee isaga ka dhanka ahaa “Waxan ka rajeynayaa hey’adaha sida tooska ah ay ugu socoto warqadaan iyo kuwa kuleh ogeysiintaba in aan heli doono Cadaalad.”