Ingiriiska oo Viso lacag la aan ah siinaysa ardayda ka soo qalinjebiyay jaamacadaha qaar

MUQDISHO-AYAAMAHA-Aqoonyahannada ka qalinjebiya jaamacadaha ugu sarreeya adduunka ayaa fursad loo siin doonaa inay tagaan waddanka UK, iyagoo ka faa’iidaysan doona barnaamij cusub oo ay ugu talagashay dowladda.

War kasoo baxay dowladda Ingiriiska ayaa lagu sheegay in barnaamijka ay fiisaha ku heli karaan ‘dadka ay suurtagalka tahay inay heer sare iyo horumar gaaraan’. Wuxuu furmayaa maanta oo Isniin ah. Ujeedku waa in lagu soo jiito ‘dadka ugu fiican uguna firfircoon’, iyadoo looga faa’ideysnayo in lala qabsado billowga nolosha shaqaalennimo ee ardaydaas.

Barnaamijkan ayaa loo qoondeeyay ardayda kasoo baxa jaamacadaha aan ku oollin UK, gaar ahaan kuwa qalin-jebiyay intii lagu jiray shantii sano ee lasoo dhaafay.

Aqoonyahannadan ayaan lagu xiri doonin wax shuruud ah oo ku saabsan meesha ay ku dhasheen, umana baahnaan doonaan oggolaansho-shaqo si ay dal-ku-gal u dalbadaan.

Dadka ku guulaysta barnaamijkan ayaa la siin doonaa dal-ku-gal-shaqo (work visa) oo labo sano ah, haddii ay haystaan shahaadaha heerka koowaad ee bachelor-ka ama master-ka, halka dadka haysta PhD-ga la siin doono fiiso saddex sano ah.

Kaddib waxa ay fursad u haystaan inay qaataan fiiso-shaqo oo waqti dheer ah haddii ay shuruudo cayiman kasoo baxaan.

Yaa heli kara fursaddan?

Qofka danaynaya dal-ku-galka UK ee hadda loo furay aqoonyahannada ayaa looga baahan yahay inuu kasoo qalinjebiyay mid ka mid ah jaamacadaha ku jira liiska 50-ka jaamacadood ee ugu sarreeya caalamka.

Students posing for celebration photographs after a graduation ceremony at Edge Hill University, Ormskirk, Lancashire

Jaamacadda uu qofkaasi kasoo baxay waa inay kasoo muuqatay liiska sanadlaha ah ee ugu yaraan labo hay’adood oo ka mid ah kuwa qiimeeya heerarka jaamacadaha, ayna ahaato sanadkii uu qofkaas qalinjebinayay.

Liiska Jaamacadaha ay ardaydoodu fursadda fiican u haystaan barnaamijkan, laga soo billaabo 2021-kii, waxaa ka mid ah 20 jaamacadood oo ku yaalla Mareykanka, oo ay ku jiraan Harvard, Yale, iyo MIT.

Waxaa kale oo jiray 17 jaamacadood oo kale oo ardaydooda ay fursaddan heli karaan, waxaana ka mid ah Jaamacadda Hong Kong, Jaamacadda Melbourne iyo Jaamacadda Paris Sciences et Lettres.

Barnaamijkan ayaa yimid kaddib markii ay dowladda UK samaysay isbeddello dadka ajaanibta ah loogu oggolaanayo in ay soo galaan, kana shaqeystaan gudaha Ingiriiska muddo ilaa labo sano ah halkii ay markii hore ku khasbanaayeen inay waddanka ka baxaan marka ay Jaamacadda dhammeeyaan.

Guddoomiyaha Waaxda Dhaqaalaha ee Dowladda Ingiriiska, Rishi Sunak ayaa yiri: “Waddadan loo furay ajaanibta waxay ka dhigan tahay in UK ay sii waynayso awoodda ay u leedahay inay noqoto dal hoggaamiya hal-abuurka caalamiga ah, fikradaha cusub iyo ganacsi abuurka.

“Waxaan rabnaa in habkaan aan maanta ku dhisno ganacsiga bari, waana taas sababta aan ardayda ugu guubaabineyno in ay ka faa’iidaystaan fursaddan cajiibka ah si ay mustaqbalkooda ay u dhisaan.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Priti Patel, ayaa isagana yiri: “Waan ku faraxsanahay inaan xarigga ka jaro mashruucan xiisaha badan oo qayb ka ah arrimo loogu talagalay soo-galootiga isla markaana sare u qaadaya xirfadaha, mana aha mid saameyn ku leh meesha uu qofku kasoo jeedo.”

BBC