MUQDISHO-AYAAMAHA-Iran ayaa la sheegay qoysaski ay 176-kii qof ee ku dhimatay diyaaraddi rakaabka ee ay ciidamadeeda soo rideen qofkiiba iney siiso magdhaw gaaraya $150,000 oo doolar.
Ukraine ayaa ku baaqday inuu dhaco wadahadal ku aaddan magdhawga dhibbanayaasha la siinaya iyo xubnihi weerarkaasi ka dambeeyey sidi caddaaladda loo marin lahaa.
Diyaarad rakaab ah uu nooceedu ahaa Boing 737-800 oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha caalamiga ee Ukraine ayaa laba gantaal lagu dhuftay waxyar un kaddib marki ay ka soo duushay magaalada Tehran.
Iran oo marki hore diidday iney qirato mas’uuliyadda diyaaradda gantaalka lagu dhuftay, ayaa ugu dambeynti oggolaatay waxayna sheegtay diyaaradda rakaabka ee ay lahayd shirkadda diyaaradaha caalamiga ee Ukraine ‘si aan ula kac ahayn’ in loo soo riday.
Dadka diyaaradda ay Iran soo ridday saarna ayaa isugu jiray 82 muwaaddiniin oo u dhashay Iran, 63 Canada u dhashay, 11 Ukraine u dhashay oo ay shaqaalaha diyaaradda ka mid ahaayeen, 4 Afghanistan u dhashay, 4 u dhashay Britons iyo 3 Jarmalka u dhashay.
Ciidamada ilaalada hawada ee dalka Iran ayaa xilligaasi heegan ku jiray. Saacada ka hor xilliga ay diyaaraddu soo dhaceysay Iran waxay gantaallada balastika ku garacday laba saldhig oo ku yaallay gudaha dalka Ciraaq iyada oo duqeymahaasi u geystay si ay ugu soo aarto General Qaasim Suleymaani oo u dhashay Iran oo ay diyaaradaha Mareykanka ku dileen magaalada Baqdaad.