Is-Faham Laga Gaaray Inta Badan Qodobadii La Isku Haayay Shirka Wadatashiga Doorashooyinka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxda ay isku afgarteen inta badan qodobadii laga doodayay marka laga reebo arrinta Somaliland, waxaana la tilmaamay in xalinteeda loo daayay xubnaha labada garab ee ay kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, in kastoo ay isku fahmi waayeen.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa wada dadaalo kala duwan oo ay ku doonayaan in lagu xaliyo khilaafka ka taagan Guddiga maareynta doorashooyinka Gobolada Waqooyi oo ay isku hayaan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in la diyaariyay Munaasabada weyn ee saxiixa heshiiska Madaxda oo qorsheysan in la qabto maalinta khamiista, haddii aanay wax is bedelin, sidoo kale waxaa shalay Madaxda ay sii bilaabeen diyaarinta qabyo qoraalka war murtiyeedka.

Shirka Wadatashiga Qaran oo maalintii sabtida ka furmay  Teendhada Afisyooni ayaa maalintii afaraad oo xiriir ah galay, waxaana ka qeyb galaya RW Rooble, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Waxaa la diyaarinayaa munaasabada weyn ee saxiixa heshiiska oo qorsheysan in la qabto maalinta khamiista, haddii aanay wax is bedelin, sidoo kale waxaa shalay Madaxda ay sii bilaabeen diyaarinta qabyo qoraalka war murtiyeedka.