Isbaheysiga siyaasadeed ee Baydhaba ka socoda iyo qorshaha Farmaajo iyo Laftagareen.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Baydhabo maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socday qorshe iyo hadal heyn ku saabsan isbaheysi siyaasadeed oo dhex mari kara Beelaha Koonfur Galbeed hormuudka u ah iyo kuwa reer Waqooyiga ah.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa ujeedka isbaheysiga waxay ku sheegeen inuu yahay inay wax ka badalaan saami qeybsiga siyaasadeed ee Soomaaliya, xilli labada xil ee Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha ay Hawiye iyo Daarood kala qaataan.

Ma aheyn aragti ay dhinacyadaas u dhammaayeen, laakiin fikirkaas waxaa la xaqiijiyey inuu ka yimid odayaal siyaasadeed oo reer waqooyi ah, iyadoo kuwa reer Koonfur Galbeedna ay aqbaleen.

Inkastoo dadka qaar ay u dhigayeen ujeedka shirka in beesha hoggaamisa Koonfur Galbeed ay rabto in laga wareejiyo xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka, haddana qaar ka tirsan xubnihii abaabulay shirka ayaa iska fogeeyey in dan ay hal beel leedahay looga hadli lahaa shirkaas.

Inta aan la gaarin mudadii shirka waxaa soo baxday in hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) inuu shirkii ka leexiyey dariiqii lagu balamay ee ahaa in labadaasi beelood iska wareystaan sida ay saami qeybsi cusub u abuuri karaan.

Laftagareen ayaa la xaqiijiyey inuu shirka u badalay olole loo sameynayo dib u doorashada madaxweyne Farmaajo. Waxaa shirkaas lagu casuumay madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo Cabdullaahi Aadan Kulane.

Inta la ogyahay xubnaha reer Waqooyiga siyaasad ahaan aad ayey u qeybsan yihiin waqtigaan, dhinacyo kala duwan ayaa gacan ku lahaa xubnaha reer waqooyiga ee kusoo biiray Baarlamaanka 11-aad, waxaana markii la ogaaday inuu Farmaajo tagayo shirkaas bilaabatay dood cusub oo ah in loo socdo danta hal musharax.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda xil-gaarsiinta ah Mahad Khadar Guuleed oo isaga weli Farmaajo la shaqeysta iyo xubno ku dhow dhow ayaa isku dayaya in taageerayaashooda ay ku qanciyaan inay shirka tagaan.

Farmaajo waxaa la sheegay inuu rabo in shirkaas uu kaga dhawaaqo musharaxnimadiisa, inuu maalmo soo joogo Baydhaba iyo inuu xildhibaanada mid mid u arko, uuna ballan lasoo galo.