Isbarbar dhig cajiib ah oo lagu sameeyey Amniga Soomaaliya iyo Kenya

MUQDISHO-AYAAMAHA-General Stephen Townsend oo ah madaxa taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay uga halis badan tahay Soomaaliya in ciidamada Mareykanka ee loo xil-saaray Soomaaliya ay ka howlgalaan.

General Townsend oo su’aalo uga jawaabayey guddi ka tirsan Senate-ka Mareukanka ayaa sheegay in go’aankii uu madaxweyne Trump ciidamada uga soo saaray Soomaaliya uu adkeeyey inay la dagaalamaan Al-Shabaab. 

“kooxda ugu koritaanka badan, ugu hodansan, uguna wax dilista badan dhammaan kooxaha argagixisada ee caalamka.”  ayuu yiri General Stephen Townsend.

Sidookale waxaa uu hadalkiisa sii raaciyey “Aragtideeda waxay tahay in dagaalkeena hadda goos gooska ah, ama aan ugu magac darnay dagaalka usoo safarka, uu horseeday caqabado iyo halis cusub oo soo wajahday ciidamadeena,”

“Qiimeynteyda waxay tahay in taasi aanay wax ku ool aheyn, oo aanay ku filneyn islamarkaana ay ciidankeena gelineyso halis ka ballaaran sidii hore,” ayuu yiri Jeneral Townsend. 

Hadalka Townsend ee ah in ciidamada Mareykanka ay Kenya uga halis badan tahay inay ka howlgalaan Soomaaliya ayaa imanaya ayada oo dalka Kenya uu ku asiibay weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee Al-Shabaab ay la beegsato.