Isbaxaysi ka dhan ah ‘Farmaajo iyo Mucaaradka’ oo Deni iyo Axmed Madoobe ka billaabayaan Garoowe.

doorashada lagu soo koobo hal Magaalo
doorashada lagu soo koobo hal Magaalo

GAROWE-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Ismaan Axmed Madoobe ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu safar ku tego Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, si uu ula kulmo Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ujeedkiisa Garoowe waxaa uu yahay kulan uu la qaadan doono Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, iyagoona ka wada hadli doona Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda dalka iyo doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in labada Madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland ay ka arrisan doonaan Arrimo kale oo qorsheysan, isla markaana socdaalka Madaxweynaha Jubbaland uu yahay mid salka ku haaya doorashada.

Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan la filayay inay kulan gaar ah ku yeeshaan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, hayeeshee Madaxweyne Deni ayaa socdaalka uu ku tegi lahaa Nairobi ka baaqday.

Labada Madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland ayaa ah Isbaheysi, iyagoona afartii sanno ee lasoo dhaafay loolan adeg kala dhexeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Deni ayaa qorsheynaya in cadaadis xoogaan uu saaro Madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo raba inuu kursiga ku soo laabto.