Isbedel ku yimid hab maamulka Degmada kaxda.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Munaasabad ay xilka ku kala wereegayeen guddoomiye ku xigeenadii hore ee aminga, siyaasada, arrimaha bulshada iyo  gudoomiye ku xigeenada cusub ayaa lagu qabtay xaruunta degmada kaxda ee gobolka banaadir. 

Munasabada ayaa waxaa kaso qeyb galay marti- sharaf kala duwan oo ay kamid yihiin Haweenka degmada, Dhalinyarada iyoNabadoonada.

Guddoomiye ku xigeenka cusub ee amniga iyo siyaasada ee Degmada Kaxda Cabdiqaadir Cusman Maxamed ayaa xilka kala wareegay gudoomiye ku xigeenkii hore Cabdinasir Xasan Cali. Sidookale gadoomiye ku xigeenka cusub ee arimaha bulshada demada Kaxda Cabdqadir Maxamed Diini ayaa xilka kala wareegay Jimcaale Axmed Maxamed.

Masuuliyiinta kasoo qeyb galay Xafladda xilwareejinta waxaa kamid ah:- Guddoomiyaha Degmada Kaxda Cabdulaahi Sheekh Cabdiraxaan, Agaasimaha xiririka degmooyinka Gobolka Banaadir Muqtaar Dhaga Cadde, Gudoomiyaha Degaanka Garasbalay iyo Gudoomiye ururka haweenka Degmada Kaxda Amina Mural Cabdi.