Isbedelo Waaweyn oo caawa lagu sameyn doono Guud ahaan Taliyayaasha Ciidamada.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar goordhow si hoos ah loo helay ayaa tilmaamaya in caawa isbadal lagu sameyn doono qaar kamid ah taliyaasha ciidamada qalabka sida.

Sidookale xogtaan waxaa ay sheegeysaa in dolwadda Soomaaliya ay caawa qorsheynayso in la magacaabo ilaa 6 sariir.

Ilo wareedyo ka agdhow xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa sheegaya in Saadaq Joon loo magacaabi doono taliyaha booliska gobalka Banaadir.

Dhanka kale booskii xildhibaanimo ee Saadaq Joon ayaa la filayaa in lagu bedelo gudoomiye ku xigeenkii hore ee aqalka sare Abshir Bukhaari.

Sidoo kale taliyaha Booliska Soomaaliya iyo agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyada ayaa la filayaa in isla caawa lagu dhawaaqo.