Isbitaalada Guriceel iyo Dhuusamareeb oo buux-dhaafiyey dhaawacyada ciidanka dowladda.

????????????????????????????????????

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaarahii ka dhashay dagaalkii shalay illaa xalay ka dhacay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkaan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu-Sunna ayaa ku dhintay ugu yaraan 40-qof oo u badan dhinacyada dagaalamaya, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.

Wararku waxaa ay sheegayaan in isbitaalada Guriceel iyo Dhuusamareeb ay buux-dhaafiyeen dhaawacyo badan oo kamid ah ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Dadka ku dhintay dagaalka iyo kuwa ku dhaawacmay waxaa ku jira saraakiil sar sare oo kala hoggaamineysay ciidamada labada dhinac.

Inta badan lama sheegay ciidamada dhintay balse qaar kamid ah saraakiisha dhintay ee la xaqiiyey waxaa kamid ah Taliyihii Kumaandooska Danab Gaashaanle Cabdiladiif Feyfle, Taliyihii ay Ahlu-Sunna u magacaawday saldhigga Guriceel iyo askar aad u farabadan iyo sidoo kale saraakiil kale oo la shaacin.

Waxaa jira warar sheegaya in dagaalka ay dhimasho iyo dhaawacyo ka soo gaareen qaar ka mid ah saraakiishii hoggaamineysay ciidamada Gor Gor iyo Haramcad ee maanta dagaalka kula wareegay inta badan goobaha muhiimka ah ee magaalada.

Dagaal ayaa in muddo la saadaalinaayey inuu geysan karo khasaaro noocaan ah ama ka badan waxaana imbadan laga dilay sidii dagaalka loo baajin lahaa balse ma suurtagelin oo hada waxaa isbitaalada yaala dhaawac iyi meydad badan.