Israa’iil oo marti-gelinaysa Shir lagu dhexdhexaadiyo Maraykan iyo waddamada Carabta oo khilaaf soo dhexgalay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Israa’iil ayaa bilaabi doonta marti-gelinta shir taariikhi ah oo ay ka qayb galayaan afar waddan oo Carab ah iyo Maraykanka.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Marooko iyo Masar ayaa ka qeyb galaya shirkan oo ka dhacaya saxaraha Negev.

Sanadkii 2020-kii ayey Imaaraatka iyo Baxreyn caadiyeeyeen xiriirkii ay la lahaayeen Israa’iil , taas oo qayb ka ahayd dhexdhexaadintii Mareykanka.

Marooko ayaa sanadkii hore raacday tallaabadii Imaaraatka iyo Baxrayn. Jimcihiina Morocco waxay heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Israa’iil kaas oo ku saabsan iskaashiga milatariga, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada sirdoonka Israa’iil.

Wadahadallada ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro dagaalka Ukraine iyo heshiiska Nukliyeerka ee Iran.

Wadahadalladan ayaa loo arkaa caddayn la taaban karo oo ah in heshiisyadii caadiga ahaa ee Maraykanku garwadeen ka ahaa ee labadii sano ee la soo dhaafay ay bilaabeen inay miro dhalaan.

Waa markii ugu horreysay oo Israa’iil ay martigeliso saraakiil sarsare oo Carbeed oo aad u tiro badan, taasoo muujineysa sida ay isugu soo dhoweynayaan danaha xulafada Mareykanka ee Bariga Dhexe, sida uu sheegay weriyaha BBC ee magaalada Qudus Yolande Neil.

Washington ayaa ku cadaadin doonta taageero dheeri ah oo ay ku bixiso dadaalka ay ku doonayso inay ku go’doomiso Ruushka, taas oo dhinacyo badan oo gobolkan ka tirsan ay ilaa hadda ka gaabsadeen joogitaanka ciidamada Ruushka ee Ukraine, iyo sidoo kale walaaca ku saabsan qamadida laga keeno labada dal ee dagaalamayo.

Dhanka kale, Israa’iil iyo dalalka Carabta ee shirka ka qeyb galaya ayaa walaacooda muujin doona xilli Mareykanka iyo quwadaha kale ee caalamka ay u muuqdaan inay qarka u saaran yihiin inay heshiis cusub oo Nukliyeer ah la saxiixdaan Iran.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlayaa habab cusub oo iskaashi dhanka tamarta ah.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxa uu daba socdaa shir saddex geesood ah oo ay Masar martigelisay Talaadadii la soo dhaafay, kulankaas ayaa waxa ka qayb galay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett, Dhaxal-sugaha Abu Dhabi iyo Mohammed bin Zayed Al-Nahyan, oo ah hogaamiyaha Imaaraadka Carabta.

Masar waxay ahayd waddankii ugu horreeyay ee Carbeed ee heshiis nabadeed la saxiixda Israel sanadkii 1979, ka dib tobanaan sano oo colaad ka dhexeysay.

Source:- BBC