Israel Oo Heegan Gelisay Hubkeeda Difaaca iyo Weerar Laga Cabsi Qabo in Lagu Soo Qaado

MUQDISSHO-AYAAMAHA-Maamulka Isreal ayaa ka cabsi qaba in weerar lagu soo qaado, sidaas darteed dhanka koonfureed waxey geysay gantaallada difaaca sida ay soo wariyeen warbaahinta maxaliga ah.

Sida xogta lagu helay, wadooyinka magaalo xeebeedka dhanka koonfureed ku taalla ee Eilat ayaa lagu arkay habka difaaca Patriot ee dhexda ka qabta gantaalalda ballistic, iyo habka Iron Dome ee ka hortaga gantaallada riddada gaaban.

Qeybo ka mid ah habka difaaca Patriot ee dhexda ka qabta gantaalalda ballistic, iyo habka Iron Dome ee ka hortaga gantaallada riddada gaaban ayaa lagu arkayey waddooyinka magaalo xeebeedka ku taalla badda cas ee Eilat.

Sida ay sheegeen warbaahinta Israel, difaacyadan ayaa halkaas la geeyey kahor sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay dilkii Jeneral Qassem Soliemani, taliyihii giuutada Quds ee ciidamada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, kaasi oo sanad kahor ay Mareykanka ku dileen magaalada Baghdad.

Iran waxey markaas ku dhawaaqday iney sameyneyso aargoosi, dilkii janaraalka waxaa kasoo wareegatay muddo hal sano ah, sidaas darteed maamulka Yahuudda tan iyo bilowgii sanadkaan waxey difaac uga jireen weeraro ay kaga cabsi qabeen IRAN.

Warbaahinta qaar ee Israel ayaa ku warramay inay jirto cabsi kale oo la xiriirta xiisadda kacsan ee gobolka, kahor inta aan xilka madaxweynaha Mareykanka loo dhaarin Joe Biden, 20-ka Janaayo 2021.