Israsaaseyn Sababtay Dhimasho Iyo Dhaawac oo Ka Dhacday….

CAABUDWAAQ-AYAAMAHA-Wararka aynu ka helayno Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in xalay halkaasi ay ka dhacday israsaaseyn khasaaro gaysatay, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac sida wararku sheegayaan.

Wararku waxaa ay sheegaan in Ciidan dhawaan loosoo gabagabeeyay tababar, sidoo kalena howgal ka waday xaafad ka mid ah Caabudwaaaq ay dagaal kala lulmeen koox dabley ah oo sida la sheegay fadhiyay Meherad ganacsi

Waxaana labada dhinac dhex-martay israsaaseyn khasaaro gaysatay, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee aynu helayno ay sheegayaan in hal ruux oo ka mid ah kooxdii dableyda ahayd uu geeriyooday, sidoo kalena waxaa dhaawac uu soo gaaray Askari ka tirsan ciidanka Galmudug ee dhawaan tababarka loogu soo xiray magaaladaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo xaqiijyay in Israsaaseyntu ay ka dhacday xaafadda ammaana ee magaalada Caabudwaaq, waxaana ay intaa ku dareen in israasaeyntu ay u dhexaysay Ciidanka howgalka waday iyo dabley hubaysan,kuwaasi oo ilaa hadda aan laga helin wax faah faahin ah.

Wali laamaha ammaanka iyo maamulka Magaalada wax war ah kama soo bixin, mana jirto cid faah faahisay israsaaseyntaasi, waxaana saaka xaaladdu ay tahay mid deggan, iyadoo xaaladda magaalada ay si caadi ah kusoo laabatay, kadib is rasaaseyntii xalay, sida ay soo sheegayaan dadka degaanku.