Itoobiya oo dib u bilowday inay hubeyso Maamul Goboleedyada iyo ujeedka Lafta gareen

BAYDHABO-AAAMAHA-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Duhurnimadii waxay diyaarad nuuca qumaatiga ukaca oo ka qaaday Baydhabo ay ka dejisey Magaalada Adis ababa Ee Caasimada Dalka Itoobiya.

Socdaalkaan ayaana la ogeyn sida rasmiga ah waxa uu kusaabsan yahay iyo sababta diyaarad meliteri loogu soo diray madaxweyne C/casiis lafta gareen hadana shaki badan ayaa jira.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa casuumaad usoo diray Lafta gareen si uu taageero ugu muujiyo maamulkiisa oo labo daraf dagaal kaga furan yihiin Dawlada Federaalka ah iyo Al Shabaab.

Xogta ayaa sheegeysa in ciidamo cusub oo itoobiyaan ah la geeyey Baydhabo kuwaas oo sugi doona Amniga madaxweynaha iyo madaxda kale hadii la isku dayo weerar Al Shabaab ama Villa Soomaaliya kusoo qaado.

Itoobiya ayaana la dhacsaneyn hab maamulka madaxweyne xasan sheekh,waxaana ay aad uga careysan tahay taageerada Xukuumada Muqdisho ay siisay Qaahira qadiyada biyaha webiga Nile.

Sidoo kale Itoobiya ayaa wax laga xumaado ku sheegtay in Rooboow Abu Mansuur oo liiska dadka ay raadineysa argagaxisada ugu jiray loo magacaabo Wasiir katirsan Xukuumada cusub ee Talaadadii isbuucaan lagu dhawaaqay.