Itoobiya oo gantaal la dhacday Caasimada Gobalka Tigray.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Duqeyn culus ayaa markale waxaa diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya ay ka geysteen meelo kamid ah Caasimada Gobalka Tigray, halkaas oo ay siweyn ugu xoogan yihiin Ciidamada xoogga TPLF ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya

Duqeynta ayaa Maanta waxaa lala beegsaday Goobo muhiim ah sida Warshado’ Isbitaalo ‘ Suuqa Ganacsiga iyo Goobo istiraatiji ah, waxaana Maamulka Tigreega  ay ku edeeyeen  Dawlada Itoobiya inay duqaynta la beeg saneyso goobaha Rayidka.

Xoghayaha guud ee QM  antonio Guters ayaa sheegay inay aad uga walaac san’ yahiin dhibaatada ka Taagan waqooyiga Ethiopia ee sii badanaysa’ iyada oy jiraan Duqaymo ka dhacay mekelle.

Antonio Guteres ayaa dhamaan dhinacyada Dagaalamaya ugu baaqay inay ka fogadaan’ Beeg-siga shacabka iyo Kaabayaasha Ganacsiga.