Itoobiya oo qorsheynaysa in Magaalooyinka Beledweyne iyo Baydhabo qabsato.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida, Mustafa Maxamuud Cumar [Cagjar] oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa degaannada xudduudka la leh gobollada Bakool iyo Hiiraan ayaa ku dhawaaqay in ay sameyn doonaan aag ka caaggan Kooxda Al-Shabaab oo ka baxasan xuduudka Itoobiya “Security Buffer Zone”.

Hadalkaas ayaa ka dhigan in Ciidanka Itoobiya iyo kuwa Liyuu Boolis, fariisomo ka sameysan doonaan gudaha Soomaaliya, taas oo loo fasirtay mid ka mid ah sababihii loo abaabulay weerarrada Al-Shabaab ku qaadday Itoobiya, oo falanqeeyayaasha qaarkood sheegayaan in qorshaha duullaankaas ay wax ka ogayd Xukuumaddda Abiy Axmed.

Khuburo amni ayaa hadalka Cagjar ku macneeyay “Qayixidda” u jeedka Addis Ababa ee dhul ballaasiga ah, kaasoo ay ku dooneyso in ay ku xukunto aag ballaaran oo dhaca gobollada Hiiraan, Bay iyo Bakool, si ay daaha gadaashiisa uga maamusho maamullada Hirshabeelle iyo Koofur galbeed, si la mid ah sida Kenya majaraha ugu heyso Jubaland.

Kenya waxa ay Soomaaliya ku soo gashay in ay u socoto la dagaallanka Al-Shabaab iyo in ay gudaha Soomaaliya ka difaaceyso Nairobi, hayeeshee u-jeedkeedu wuxuu ahaa in ay ka arrimiso xeebta Kismaayo, waana dhacday, sidaas oo kale Itoobiya waxa ay dooneysaa in ay ka taliso Baladweyne iyo Baydhabo si ay gorgortan u galiso Xukuumadda Muqdisho.

Shantii sano ee la soo dhaafay, Addis ababa ayaa ahayd qiblada siyaasadeed ee Soomaaliya, taasoo sababtay in ay yareyso faragalintii maamullada, maadaama uu Farmaajo ku jiray boorsada Abiy Axmed, hadda Itoobiya waxa ay durba dib u soo celisay dhaqamadii maamulkii Tigreegu caanka ku ahaa ee kala qeybinta ku qotomay.

Dhawaan Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa tagay Addis ababa, halkaasoo uu kulamo kala duwan kula yeeshay hoggaanka dalkaas, xilli Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu todobaadkii hore ka cudur daartay, safar uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku tagi lahaa Addis, una socdaalay gobolka qoymiyaddiisa Oromada.

Dowladda Soomaaliya wali wax jawaab ah kama bixin hadalka ka soo yeeray Cagjar ee ah in ay gudaha Soomaaliya ka difaaci doonaan degaannadooda, xilli ay xusid mudan tahay in ciidamada Liyuu Boolis ay hore u joogeen degaanno dhaca gobollada Hiiraan, Bay iyo Bakool, oo ay ku jiraan kuwa ay dhawaan dagaalladu ka dhaceen ee ku yaalla xudduudka.

Itoobiya waxaa Soomaaliya ka jooga in ka badan 4,000 oo askari kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, waxaana jira qoyb kale oo aan ka tirsaneyn howl-galka oo ku sugan gobollo kala duwan. Labada dal ayaa wadaaga xudduud aad u dheer, dhulka uu ka taliyo Cagjar ayaana ah dhul Soomaaliyeed oo gumeystihii siiyay Itoobiya..