Itoobiyaan buux dhaafiyey Safaarada Ruushka si ay uga qayb qaadatan dagaalka Ukraine.

Tobabnaan dhallinyaro aha ayaa maalinkii labaad ku soo uruuray irida hore ee safaarada Ruushka ku leeyahay caasimada Ethiopia ee Adidis Ababa kadib markii uu baahay war sheegayay in la qorayo askar ka qayb qaadata dagaalka Ukraine.

Si kastaba, afhayeenka safaarada Maria Chernukhin ayaa sheegtay in aysan jirin askar la qorayo oo laga qaadayo Itoobiya, laakiin ay dadka isku soo baxay ay garab istaag u muujiyeen Ruushka.

Chernukhina ayaa yiri “Waxaa noo yimaada dad badan oo na soo booqda si ay noogu sheegaan taageerada ay u hayaan Ruushka, qaarkood waxay noo sheegayeen in ay nacaawinayaan si walba oo ay awoodaan.” Laakiin ” ma nihin hay’ad askar qorta” ayay intaas ku dartay”

Rag badan ayaa la arkayay iyaga oo wata waraaqahooda aqoonsiga.

Mid ka mid ah dhalinyarada goobta yimid ayaa warbaahinta u sheegay in uu doonayo in uu mushaar fiican ku helo askarinimada ama shaqo kale la siiyo. ” Sidoo Ruushka waan jeclahay” ayuu yiri. Kuwo kale oo maanta oo Talaado ah isugu soo baxay safaarada horteeda waxay sheegeen in ay maqleen in mushaar badan la bixinayo.

Isbuucyadii la soo dhaafay waxa soo baxayay wararka sheegayay in ciidammo ajnabi ah ay u kala safanayaan labada dhinac ee colaadda Ukraine.

Ukraine ayaa u oggolaatay dagaalamayaasha ajnabiga ah ee doonaya inay ciidammadeeda ka barbardagalamaan inay dalka soo galaan fiisa la’aan, taasoo fursad u noqotay Afrikaanka doonaya inay Yurub gaaraan ee ay inta badan ku adagtahay inay helaan fiisaha.

Bishii la so dhaafay, baraha bulshada iyo farriimaha gaarka ah ee laisku diro ayaa lagu sheegay in Ruushka uu qoranayo kooxoo calooshood u shaqeystayaal ah oo ka barbar dagaallama ciidamada Ruushka ee ku sugan Ukraine.