Jaamacada Carabta oo ka hadashay go’aankii Maxkamada ICJ ee Somali Kenya.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shirka Baarlamaanka Carabta oo lagu soo gaba-gabeeyey magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan go’aankii maxkamadda ICJ, arrimaha doorashooyinka iyo amniga.

Baarlamaanka dalalka ku jira Jaamacadda Carabta ayaa si weyn u soo dhoweeyey go’aankii kasoo baxay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ oo Soomaaliya inta badan loogu xukumay dacwaddii badda ee kala dhexeysay dowladda dalka Kenya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa waxaa lagu sheegay inay u riyaaqeen guusha ay Soomaaliya ka gaartay dacwadda badda ee muddada soo jiitameysay.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xubnaha Soomaaliya uga qeyb-galay shirkaasi ayaa faah faahin ka bixiyey qodobada kasoo baxay shirka, wuxuuna sheegay in Baarlamaanka dalalka ku jira Jaamacadda Carabta ay u hambalyeeyeen Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in muddada ay soo socotay dacwaddan ay hiil iyo codba la garab taagnaayeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Go’aankii ay soo saartay maxkamadda caalamig ah oo ay Soomaaliya ku guuleysatay dacwaddii kala dhexeysay dowladda dariska aan nahay ee muranka gelisay badda Soomaaliya in muddo ahna soo jiitameysay, isaga oo baarlamaanka carabta mar weliba la barbar taagnaa hiil iyo hoo ama cod iyo taageerid ayaa waxa ay uga dhigneyd guusha ay gaartay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeedaba ay baddeedii iyada kusoo ceshatay si sharci ah mid ay aad iyo aad runtii ugu riyaaqeen, ayna soo dhoweeyeen go’aankaasi,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Dalxa ayaa sidoo kale intaasi ku daray in shirka lagu soo qaaday arrimaha doorashooyinka iyo ammaanka, gaar ahaan sidii looga gacansiin lahaa dowladda Soomaaliyeed.