Jaamacaddaha ugu liita Muqdisho oo la qorsheynayo in la xiro maalmaha soo socda

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Carab ayaa shaaciyay in ay qorsheynayaan in ay Albaabada u laaban jaamacaddaha ku yaalla Muqdisho, kuwaasoo oo aan buuxin shuruudaha wasaaradda waxbarashada.

Waxaa uu sheegay in dhammaan Ardeyda Soomaaliya ay u baahan yihiin jaamacado tayo maadaama ay dhiibayaan lacag sidaas darteeda lasoo reebi doono kaliyaha kuwo tayada wanaagsan.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ay diwaangaliyeen dhammaan jaamacaddaha ku yaalla haddana ay waddaan qiimeynta heerka tayada waxbarashada.

Waxaa uu xusay in ay qorsheynayaan in ay xiraan ka hor doorashada kuwo liita ee aan buuxin shuruudihii looga baahnaa.