Jadwalka Doorashada Soomaaliya oo la shaaciyey iyo Xiliyada Doorashooyinka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa dardar kusocodo howlaha doorashooyinka oo la filayo inay dhawaan ka billaabato dalka.

Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa shaaciyey Jadwalka rasmiga ah ee doorashada Soomaaliya, waxaana hadda la sugayaa in Madaxweynayaasha dawlad gobaleedyadu dadajiyaan magacaabida xubnaha Aqalka Sare.

Jadwalka Guddiga, waxaa lagu calaamadiyey maalmaha ay dhici doonaan dhammaan Shaqooyinka Doorashada ee laga sugayo guddigan oo ay wehliyan xubnaha Guddiyada Heer Dawlad gobaleed.