Jadwalkii labaad Ee Guddiga Lagu Murasan Yahay Oo Qarka U Saaran Inuu Fashilmo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa Maanta oo ah 5-ta bisha Janaayo 2021 ku eg waqtigii ay u qabteen Guddiga doorashooyinka heer Federaal ee lagu muransan yahay in lagu qabto codsiyada Musharaxiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga doorashada heer Federaal ayaa 29-kii bishii December ee sanadkii hore 2020 waxay shaaciyeen inuu is bedel ku yimid jadwalkii doorashada Aqalka Sare ee loo balansanaa inuu dhaco inta u dhaceysa 31 December 2020 illaa 6 Janaayo 2021.

Sababta keentay in isbedel ku yimaado Jadwalkii horey ayey Guddiga ku sheegeen inay tahay Codsi uga yimid Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ahaa in waqti kordhin loo sameeyay mudada qabashada codsiyada Musharaxiinta Aqalka Sare.

Sidoo kale waxaa uu Guddiga horay u sheegay in doorashada Aqalka sare ay dhici doonto 7-14 Janaayo 2021, oo labo cisho ay ka harsan tahay, waxaana muuqata in aanay dhaqan geli karin.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Koofur Galbeed oo ka mid ah maamulada taageersan Villa Somalia ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo kala hadlaya Madaxweyne Farmaajo arrimaha doorashada iyo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ka taagan hannaanka doorashada