Janeraal Xuud Oo Ciidama Dowladda U Jeediyey Hanjabaad Cusub.

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Janeraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo ah Hoggaamiyaha Jabhadda  kasoo horjeeda qaabka loo dhisay Maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle, isla markaana Ciidamo farabadan heysta ayaa Maanta gaaray Magaalada Beledweyne.

Janeraalka ayaa booqday qaar kamid ah dadkii Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle ay ku dhaawaceen rasaas ay ku fureen xilli ay Beledwyene ka dhigayeen banaanbax ay uga soo horjeedeen Maamulka Hir-Shabeelle & dad ay Ciidamada xireen.

Dhaawacyada uu booqday ayaa waxaa kamid ah haweeneey lagu Magacaabo Nimco Caalin oo kamid ahedy dadkii ku dhaawacmay rasaastii ay fureen Ciidamada booliska Maamulka Hir-Shabeelle.

Hadal kooban oo uu Warbaahinta siiyay ayaa waxaa uu ku sheegay in aysan halkaasi uga hareen Ciidamadii dadka shacabka ah rasaaseeyay, waxaana uu sheegay inay Maxkamad la tiigsan  doonaan.