Joe Biden oo amray in boqolaal katiesan ciidamka Maraykanka loo diro Soomaaliya.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxwaynaha Maraykanka Joe Biden ayaa saxiixay amar ah in boqolaal ka tirsan ciidamada Maraykanka lagu soo celiyo Soomaaliya si qayb ay uga noqdaan dagaalka ka dhanka Al Shabaab

“Go’aanka dib u soo celinta joogitaanka joogtada ah waxaa la gaarey si loo kordhiyo badbaadada iyo waxtarka ciidamadeena oo aan awood u siinno inay bixiyaan taageero wax ku ool ah ” sida laga so xigtay afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Adrienne Watson.

Soo labashada ciidanka Maraykanke ee gudaha Soomaaliya ayaa imaanaysa saacado kadib markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.